Kusaabsan Clik  | Laxiriir Qoraaga
Raadi
Hoy English Internet ka Software Downloads Cilmi Buuk ta Join
HTML JavaScript VBScript SQL PL/SQL ASP Java C++
&nsbp; Click here to buy & sell on eBay!  Accept credit cards Now!
Javascript - Somali
Hordhac
Variables & Arrays
Functions
If Statement
Case Statement
Loops
Operations
Form Validations
 
Advance Examples

Waa maxay javascript?

JavaScript tigu waa luuqad internet oo fudud oo kalifta inuu internet ku fahmo qoraalka kana jawaabo.  Tusaale ahaan waxaa suurto gal ah markii unug internet ah sida button ama link la gujiyo in computer ku su aal kuweydiiyo markaad jawaab siisidna uu fahmo jawaabtaas.  Waxaa suurto gal ah mar mar inaad aragtid poll ama doorasho yar oo bog kuqaran oo lakala dooranayo dhowr wax markaad dooratidna uu soosaaro xisaab ama graph muujinaya inta qof kala dooratay noocyadaas.  Waxyaalaha noocaas ah ayaa lagu sameynkaraa javascript ga.  Marka javascript tigu waa luuqad kadhigta bogaga kuwa waxfahma ama intractive ah.  Ma u baahnid wax software ah siaad ubartid javascript ga laakiin waxaa mihiim ah inaad taqaanid assaaska HTML ka, waayo JavaScript ma aha luuqad kaligeed gaar u shaqeysa. Waxaa lagu dhexqasaa luuqadaha sida HTML ka iyo ASP ga.  Luuqada Javascript waxaa loosameeyey dhisida internet ka.  Waxaa laga yaabaa dadka qaarkiis inay kala garanwaayaan Java iyo Javascript.  Java waa luuqad rasmi ah oo lugu disi karo Application meesha JavaScript ay katahay unug yar oo code ah oo lugu dhex dhiso HTML ama ASP marka JavaScript iyo Java wax shuqul ma iskuma leh.

Sida HTML ka ayaa luuqada JavaScrip tigana ay u leedahay astaamo furmo iyo xirmo ah.  Waa saan qaabdhiska [Syntax] javascript tiga.
<script language="javascript">
  Halkan baa lagu qoraa javascript code ka.
</script>

<script> - Waxay qeexdaa in xirmadu tahay mid script ah.
<language> - Waxay qeexdaa nooca luuqada script ga sida javascript iyo vbscript.
</script> - Waxay xirtaa astaanta script tiga.

Waxaan eegaynaa tusaale javascript ah oo soosaara daaqad qoraal kuqoran yahay isla markaasna qoraalka boga kuqora.
<html>
<head>
</head>
<body>
<script language="javascript">
   alert("Bogani waa barashada javascript");
   document.write("Bogani waa barashada javascript");
</script>
<body>
<html>

Guji button ka si aad u aragtid natiijada xirmada sare

Suu u shaqeeyaa?
Note: Ugu horeyn natiijada iyo tusaalaha sare ma islaha waayo ma eynaan sameyn button la gujiyo iyo function mid na laakiin hadaad boga <body> ku dhex qortid tusaalaha sare marka ugu horeysa ee bogu soo baxo ayey daaqadu soobaxaysaa.  Waan arki doonaa sida loosameeyo function ka, iyo sida button looga shaqeysiiyo adoo isticmaalaya javascript. Waxaan kubilownay tusaalaha sare astaanta bilowda:
JavaScript <script language="javascript"> Kuna xirnay</script>
Astaanta aan kusoo saaray daaqadana waasaan:
alert("Bogani waa barashada javascript");
Alert waa method soosaara wixii loo gudbiyo.
Waxaan kuqornay boga inagoo isticmaaleyna:
document.write("Bogani waa barashada javascript");
Document waa object laga wado bogan.  Waan arki doonaa micnaha object. Write waa method laga wado qor.  Waan arki doonaa micnaha method.  Wixii bracket ka ladhex galiyana waa wixii daaqadu soosaari lahayd.

Meelaha javascript lagu qoro

Waxaad ku qori kartaa qaybta body ama head ee boga HTML ka iyaday ku xiran tahay saad rabtid inuu ushaqeeyo.  Qaybta head ka waxaa lagu qoraa wixii aad rabtid inaad adigu maamushid markii aad adiga rabtidna soobaxa sida wixii markii button lagujiyo soobaxa.  qeybta body waxaa lagu qoraa wixii aad rabtid inay soobaxaan markii bogu soo baxo sidii saacad, salaan iyo wixii lamid ah. Hadaba aan dib ugu noqano tusaalahaan soodhaafnay ee kor kuqoran isagoo markan dhameystiran oo wata button ka iyo function kaba:
<html>
<head>
<script language="javascript">
<!--
function soosaar()
{
alert("Bogani waa barashada javascript");
document.write("Bogani waa barashada javascript");
}
//-->
</script>
</head>
<body>
<form>
<input type="button" value="Guji"onclick="soosaar();"> Guji button ka si aad u aragtid natiijada gunugta sare
</form>
<body>
<html>
Tusaalahani waan kaan natiijadiisa horay u soo aragnay.  Waxaa siyaado ku ah <!-- oo comment u ah luuqada html ka.  Browser kasta ma taageero javascript maka kuwa aan taageerin waxay kadhigaan javascript code ka HTML taas oo kadhigi karta boga mid foolxun.  Wixii javascript code ah dhex gali html comment taa oo kubilaamat saan <!--- kuna dhamaata saan //--> si uu uga qarsoonaado bogaga aan taageerin javascript tiga.

Variables & Arrays